Tartanka Qur’aanka Kariimka Ah Ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Oo Ka Furmay Masaajidka Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Waxaa maanta oo taariikhdu tahay 23 ka bisha 11/2017 masaajidka Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ka furmay tartanka qur’aanka Kariimka ah ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Tartankan oo ay ku tartamayaan arday gaaraysa 22arday oo kasocoda dhamaan faracyada dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ayaa waxaa soo agaasintay Dallada Hanuunita Bulshada .

Munaasabada daah-furka tartanka oo lagu qabtay masaajidka Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ayaa waxa kasoo qayb galay maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/rixmaan Siciid Muuse,maamulka Irshaad ,guddiga qiimayta tartanka  iyo marti sharaf kale. kadib markii lagu furay munaasbada aayadaha qur’aanka kariimka ah ayaa waxaa laguda galay kalmadha masuliyiinta kasoo qayb gashay aygoo cabirayey ra’ayigooda ku aadan munasbada iyo tartanka quraanka kasoo sanad walba kaqabsooma iskuulka.
Sanad walba hadaya marka lasoo gaadho ayaa iskuulku u qabta ardaydiisa tartanka quranka, waxayna tahay ujeedoyinka loo qabto :
1- Dhiiri galinta da’ayrta xifdisan quraanka kariimka ah .
2- Kuxirka gabi ahaan bulashada quraanka kariimka iyo jeclaysiintiisa .
3- Inlasoo saaro dhalinyar quraanka xifdisan oo kaqayb gala tartamada heer gobol iyo heer caalamiba .

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment