Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Waxbarashada Puntland Ayaa Boqasho Ku Yimi Dugsiga Sare Ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Waxa saaka oo Sabti ah  16/12/2017 boqasho ku yimi xarunta dusiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada puntland Maxamed C/qaadir Cismaan iyo wafti uu hogaaminayo, waxana iskuulka kusoo dhaweyey dhamaan maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyo maamulka dugsiga sare.

Waftigan uu hogaminayey agaasimaha guud waxa kamid ahaa :

  • Madaxa Manaahijta Wasaarada, Nuur Ciiro.
  • Gudomiyaha Waxbarashada Gobolka Bari, Shamis Muuse.
  • Gudomiyaha Waxbarashada Degmada Boosaaso, C/laahi Xasan

Iyo waaxda kormeerka wasaarada waxbarashada.

 

Maamulka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyo wasaarada waxbarashada puntland ayaa kulan ay ku yeesheen xafiiska maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxay kawada hadleen sidii loo horumarin lahaa waxbarashada puntland, waxa uuna agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashadu bogaadiyey horumarka dhan kasta ah ee uu gaadhay dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

 

Ugu danbayntii waftiga wasaaradu waxay ay kalmado dhiiri galin iyo dar daaran ah usoo jeediyeen ardayda fasalka 4aad ee dugsiga sare.

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment