Gudomiyaha Xisbiga Midnimo Qaran Oo Soo Booqday Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Gudomiyaha xisbiga Midnimo Qaran ee soomaaliyeed mudane C/risaaq C/laahi Waaberi ayaa saaka oo sabti ah 30/12/2017 soo booqday xarunta dugsiga sare ee al-imaamu al-nawaawi boosaaso, gudomiyaha waxa booqashadiisa ku weheliyey, ustaad Burhaan Maxamed Cali oo ah masuulka xisbiga ee puntland iyo ustaad C/rixmaan C/risaaq C/rixmaan gudomiyaha jamciyada tadamun.

Gudomiyaha iyo waftigiisa waxa iskuulka kusoo dhaweyey :

  • Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, ustaad C/rixmaan Siciid Muuse.
  • Maamule ku xigeenka guud ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, ustaad Cumar Cali Sulaymaan.
  • Maamulaha dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, ustaad C/risaaq Maxamed Maxamuud.
  • Masuulka nashaadka iyo warbaahinta dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, ustaad Maxamuud Siciid Faarax.

Soo dhawaynta kadib gudomiyuhu waxa uu ardayda kula hadlay dabuurka isago ka shekeyey tariikhda xisbiga iyo yuulka uu tiigsanayo, kadibna waxa uu socod kusoo maray qayb kamid ah fasalada markii xisadaha la galay.

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts