Waxaa maanta dugsiyada hoose, dhexe & sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ka bilowday imtixaankii Teeramka koowaad ee sanad dugsiyeedka 2017 /2018,iyadoo ay imtixaankaasi u fariisteen in ka badan 2700 arday.
Furitaan ka imtixaanka teeramka kowaad ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ee saaka waxa ka qayb galay:
1- gudomiyaha Jamciyada Tadaamun Ustaad C/Rixmaan C/Risaaq C/Rixmaan.
2- Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, Ustaad C/Rixmaan Siciid Muuse.
3- Maamule ku xigeenka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, Ustaad Cumar Cali Sulaymaan.
4- Maamulaha dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud.
5- Gudomiyaha dallada waxbarashada ahliga ee puntland PEN, Ustaad Ibraahim Aadam Jaamac.
6- Xoghaynta dallada waxbarashada ahliga ee puntland PEN, Ustaad Maxamed Cali Maxamed.
Waxan ka shaqaynaya habsami u socod kiisa 16 xubnood oo ah maamulka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, 18 xubnood oo ka tirsan xafiiska imtixanaadka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyo 101 macalin oo ka shaqeeya dugsiga.
Imtixaankan maanta bilowday ayaa socon doona mudo toban casho ah, waxana lasoo gabagabaynayaa 15ba bishan oo ku began isniin, waxana dhamaan ardayda dhigata loo qaybiyay afar xili oo ay maalin kasta ka galayaan imtixaanka waxayna kala yihiin xiliyaadaasi :
1- Galinka hore oo ah laba xili waana sidan :
* 7:30 ilaa 9:00am
* 9:30 ilaa 11:00am
2- Galinka danbe oo ah laba xili waana sidan :
* 1:30 ilaa 3:00pm
* 3:30 ilaa 500pm
Jadwalkan dhamaan waxa uu ka dhaqan galayaa faracayada iskuulka oo dhan.
Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu u rajaynayaa dhamaan ardayda inuu illahay ku guuleeyo himilooyinka ay hiigsanayaan.
Xafiiska Nashaad Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.