Maamulayaasha Dugsiyada Al-Furqaan Badhan Iyo Al-Imaamu Al-Nawaawi Qardho Oo Soo Booqday Dugsiga.

Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Furqaan Badhan Ustaad C/casiis Axmed Saalax iyo maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi  Qardho Ustaad Axmed C/rixmaan Xasan,  ayaa saaka oo talaada ah 2018/1/30 nagu soo booqday xarunta wayn ee iskuulku ku leeyahay magaalada bosaaso, waxana kusoo dhaweyey iskuulka maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/rixmaan Siciid Muuse. Soo dhawaynta kadibna maamulayaashu waxay saaka ardayda dugsiga sare kala qayb galeen dabuur iyago kalmado dar daaran iyo dhiiri galin isugu jirta usoo jeediyey.

Intaas kadib maamulayaashu waxay wada qaateen kulan ay isaga waraysanayaan xaalada waxbarasho ee dugsiyada, iskaashiga ka dhexeeya iyo qaabkii loo horumarin lahaa iskuuladan isku bahda ah, waxana lagu wada balamay kulamo kale oo intaas ka balaadhan in ay wada qaadan doonan sanadkan gudihiisa insha allaah.

 

 

 

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts