Waxa saaka oo sabti 3/2/2018 ah si toos ah uga bilowday dhamaan faracyada dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso nashaadkii teeramka 2aad ee sanad dugsiyeedka 2017/2018, nashaadka teeramkan 2aad wuxu ka koobnaan doona :
- Tartanka idaacada.
- Tartanka kubada cagta.
- Tartan aqooneedka
- Soo saarista majalada ibdaac.
- Tartanka xadiiska.
Waxa sido kale xafiiska nashaadka iyo warbaahinta iskuulku magaacabay masuuliyiinta nashaadka faracyada iskuulka oo kala ah sidan :
- Ustaad Faysal Maxamuud Axmed, waxa loo magacaabay masuulka nashaadka xarunta dugsiga sare.
- Ustaad Axmed Yuusuf Cumar waxa loo magacaabay masuulka nashaadka faraca Ridwaan subixii.
- Ustaad Yaxye Cali Siciid waxa loo magacaabay masuulka nashaadka faraca furqaan.
- Ustaad C/laahi Siciid Maxamuud waxa loo magacaabay masuulka nashaadka xarunta dugsiga ee galabtii.
- Ustaad Aadam Salaad Maxamuud waxa loo magacaabay masuulka nashaadka ee faraca Ridwaan galabtii.
Ugu danbayntiina waxa loo qaybiyey ardayda faracyada oo dhan jadwalkii nashaadka ay kala socon lahayeen sidii loo fulin lahaa nashaadka teeramka 2aad ee sanad dugsiyeedkan 2017/2018.
Xafiiska nashaadka iyo warbaahinta dugsiyada al-imaamu al-nawaawi boosaaso.