Ardayda Fasalka 4aad Ee Dugsiga Sare Oo Loo Qabtay Tabobar Ku Saabsan Siday U Codsan Lahayeen Minxooyinka Dawlada Turkigu Bixiso Oo Furmay.

Waxa saaka oo Khamiis ah kuna beegan 8/2/2018 loo qabtay ardayda fasalka 4aad ee dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso tababbar ku saabsan sidii ay ardaydu u codsan lahaayeen deeqda waxbarasho ee dowlada turkigu sanad walba soo bandhigto, maadaama ay waxbarashadii dugsiga sare uga dhimman tahay wax ka yar saddex bilood.

Tababarkan oo ay bixiyeen arday ka baxday iskuulka kana shaqeeya xafiiska suuq gaynta iyo xidhiidhka dadwaynaha ee shirkada is gaarsiinta Golis oo kala ahaa :
Sharmaake C/Laahi Cali Iyo C/Naasir Siciid Maxamed, waxa goob joog ka ahaa soona qaban qaabiyey maamulaha guud ee Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/Rixmaan Siciid Muuse. Tabobarkaas ayaa ardayda lagu barayey sida ugu fudud ee ay u codsan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahayeen waxbarashada bilaashka ah oo ay bixiso dawlada aan walalaha nahay ee turkiga sannad walba.

 


Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts