Shir ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland 10-12/7/2018 ayaa waxa isugu yimi Maamulka Jimciyada Tadamun ugu sarreeya, qaybta waxbarashada ee Jimciyada iyo dhammaan xubnaha maamulka Dugsiyada Jimciyada. Waxaana shirka daah furay Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland oo uu matalayay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Dr Max’ed Cali Faarax .
Shirkaas oo socday muddo 3 maalmood ah sida ku cad taariikhda kor ku xusan waxa lagu gorfayay arrimo badan oo ay saldhig u ahayd meesha hadda dugsiyadu marayaan 25 sano ka dib iyo sida loo horumarin karo loolana jaanqaadi karo horumarka cusub ee dunidu hadda marayso dhanka waxbarashada iyo Technology yada.
Hadaba, talooyin iyo tusaalayaal badan oo ay bixiyeen khubaradii fududaynaysay shirkaas waxaa ka soo baxay qodobo muhiim ah oo noqonaya udub dhexaadka laga duulayo sanad dugsiyeedka soo socda 2018/2019 haddii Alle idmo waana kuwan qodobadi ka soo baxay shirkaas :-
1. Ilaalinta iyo kor uqaadista tayada. waxbarashada dugsiyada Jimciyada Tadamun.
2. Dejinta qorshe cad oo lagu horumarinayo dugsiyada jamciyadda sanad dugsiyeedka 2018/2019.
3. Hagaajinta deegaanka waxbarasho ee dugsiyadaas.
4. Xoojinta xiriirka wada shaqayneed ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare, dallada waxbarashada ahliga, waalidiinta, bulsho waynta ku xeeran dugsiyada iyo dhammaan cid kasta oo danaysa waxbarashada ubadka soomaaliyeed.
5. Kor u qaadista xirfadaha macalimiinta iyo casriyaynta hab dhigista ee dugsiyadaas.
6. Jimciyada iyo Dugsiyadeeda waxay umahadcelinayaan dhammaan cid kasta oo ka qayb qaadatay dhismaha, dayactirka ama horumarinta dugsiyada jimciyada sida wasaaradda waxbarashada, Waalidiinta iyo hay’adaha ka shaqeeya waxbarashada iyo waliba cid kasta oo talo ku biirisay hawl wadeenada waxbarashada dugsiyada jamciyadda.
7. Jamciyadda Tadamun iyo dhammaan muumulayaasha dugsiyada ay maamusho waxay u mahad celinayaan intii ka soo qayb gashay shirkaas muhiimka ahaa oo ay ugu horrayso wasaarada waxbarashadu
—–Dhammaad——
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.