Barnaamijka Wacyigalinta Ardayda Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Maamulaha guudee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse ayaa saaka oo Talaada ah 28/08/2018 daah furay barnaamijkii wacyigalinta sanadlaha ahaa ee loo qabto ardayda dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso sanad kasta, barnaamijkan oo ay soo jeedin donaan maamulka iskuulka, macalimiinta, culumaa udiinka iyo aqoonyahan magaalada boosaaso ayaa ardayda lagala hadli doona waxkasta oo faa’ido u leh aduunkooda iyo aakhiradooda waxana laga wacyi galiyaa waxkasta oo khatar ku ah diintooda, naftooda iyo dalkoodaba.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment