Ardayda Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo u fariisatay Imtixaanka Teeramka Labaad ee Sannad Dugsiyeedka 2018/2019.

……………………………….Waxaa maanta oo Arbaca ah 24/04/2019 ka bilowday dugsiyada hoose/dhexe & sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso imtixaankii Teeramka labaad ee sanad dugsiyeedka 2018 / 2019, iyadoo ay imtixaankaasi u fariisteen in ka badan 2400 Arday oo dhigata dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Waxaana ka shaqaynaya habsami u socodka imtixaankan saaka bilowday, 18 xubnood oo ah maamulka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ahna maamulka imtixaanaadka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyo 101 macalin oo ka shaqeeya dugsiga.

Imtixaankan maanta bilowday ayaa socon doona mudo Toban casho ah, waxana lasoo gabagabaynayaa 05/05/2019 oo ku beegan Axada danbe, waxaana dhammaan ardayda dhigata loo qaybiyay afar xilli oo ay maalin kasta kalagalayaan imtixaanka waxayna kala yihiin xiliyaadaasi :
1- Galinka hore oo ah laba xilli waana sidan :
7:30 ilaa 9:00am
9:30 ilaa 11:00am

2- Galinka danbe oo ah laba xilli waana sidan :
1:30 ilaa 3:00pm
3:30 ilaa 500pm

Jadwalkan dhammaan waxa uu ka dhaqan galayaa faracayada iskuulka oo dhan.

Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda inuu illaahay ku guuleeyo himilooyinka ay hiigsanayaan sanad dugsiyeedkana uga dhigo mid ay guul gaaraan. Aamiin aamiin.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment