Tartanka Qur’anka Kariimka ah ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

………………………………………………….

Waxaa saaka oo Khamiis ah 21/11/2019 lagu qabtay masaajidka Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso tartankii sannad laha ahaa ee loo qaban jiray ardayda dugsiga. Tartankan oo ay dugsiga gacan kasiiso Dallada Wacyi Galinta Bulshada Irshaad ayaa sannadkan noqonaya kii 16aad oo u si xidhiidh ah dugsigu u qabto ardaydiisa.

Tartanka qur’anka dugsigu waxaa u maraa labo marxaladood oo kala ah :
B- is reeb reebka hore oo ay faracyadu u soo sameeyaan ardayda tirada badan ee is diiwaan galisay.
T- is reeb reeb kama danbaysta ah oo intii faracyada kasoo gudubtay lagu tartansiiyo dhammaantood masaajidka dugsiga.

Tartanka qur’anka waxaa uu ka kooban yahay afar heer oo kala ah :
1- Ardayda xifdisan 30ka jus ee qur’anka, waxaana loo ogol yahay ardayda dugsiga sare.
2- Ardayda xifdisan 15ka jus ee qur’anka, waxaana loo ogol yahay ardayda dugsiga sare.
3- Ardayda xifdisan 10jus ee qur’anka, waxaana loo ogol yahay ardayda dugsiga dhexe.
4- Ardayda xifdisan 5jus ee qur’anka, waxaana loo ogol yahay ardayda dugsiga hoose.

Tartankan oo ah kii 16aad oo sannadle ah oo u dugsigu qabto waxaa saaka furay maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts