Abaal Marinta 25 Arday Ee Ku Guulaystay Tartankii Qur’anka Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

…………………………..

Waxaa saaka oo Axad ah lagu abaal mariyey xarunta dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso 25 arday oo ka tirsan faracyada dugsiga kuwaaso ku guulaystay kaalmaha hore ee tartankii Qur’anka Kariim ah ee sannad laha ahaa. Tartankan oo ay qabashadiisa dugsiga ka gacan siiso Dallada Wacyi-Galinta Bulshada Irshaad ayaa sannadkan ahaa kii 16aad.

Xafladan abaal marinta ah oo ay kasoo qayb galeen maamulka dugsiga, gudomiyaha dallada wacyigalinta bulshada Irshaad, masuuliyiin ka socda saddexdii shirkadood ee maal galiyey barnaamijka oo kala ahaa :
1- Shirkada ganacsiga guud ee Tawfiiq.
2- shirkada daabacada xayasiisyada ee Asaljet
3- Risaala Stationary And Bookshop.
Ayaa ardayda lagu gudoonsiiyey abaalmarino kala duwan, waxayna xafladu kusoo dhamaatay jawi farxadeed.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment