Ardayda Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso oo u fariisatay Imtixaanka Teeramka 1aad ee Sannad Dugsiyeedka 2019/2020.

……………………..

Waxaa maanta oo Sabti ah 04/01/2020 ka bilowday dugsiyada Hoose/Dhexe & Sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso imtixaankii Teeramka 1aad ee sannad dugsiyeedka 2019 / 2020, iyadoo ay imtixaankaasi u fariisteen in ka badan 2500 Arday oo dhigata dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Waxaana ka shaqaynaya habsami u socodka imtixaankan saaka bilowday, 18 xubnood oo ah maamulka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ahna maamulka imtixaanaadka dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso iyo dhammaan macallimiinta dugsiga.

Imtixaankan maanta bilowday ayaa socon doona mudo 11 casho ah, waxana lasoo gabagabaynayaa 15/01/2020 oo ku beegan Arbacada danbe, waxaana dhammaan ardayda dhigata loo qaybiyay Afar xilli oo ay maalin kasta kalagalayaan imtixaanka waxayna kala yihiin xiliyaadaasi :
1- Galinka hore oo ah laba xilli waana sidan :
7:30 ilaa 9:00am
9:30 ilaa 11:20am
2- Galinka danbe oo ah laba xilli waana sidan :
1:30 ilaa 3:00pm
3:30 ilaa 500pm
Jadwalkan dhammaan waxa uu ka dhaqan galayaa faracayada iskuulka oo dhan.

Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda inuu illaahay ku guuleeyo himilooyinka ay hiigsanayaan sannad dugsiyeedkana uga dhigo mid ay guul gaaraan. Aamiin aamiin.

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts

Leave a comment