Booqashadii maamule Maxamed Caamir Samatar ee xarunta dugsiga.

………

Waxaa saaka oo Khamiis ah 15/10/2020 nagu soo booqday xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso maamulaha guud ee dugsiyada Xaaji Cali Biixi oo katirsan silsilada Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Puntland, waxaana xarunta kusoo dhaweeyey maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso ustaad C/raxmaan Siciid Muuse iyo maamule kuxigeenka guud Ustaad Cumar Cali Sulaymaan, maamulaha dugsiga sare ustaad C/risaaq Maxamed Maxamuud, macallimiinta iyo ardaydaba.
Sido kale maamule Maxamed Caamir Samatar waxa uu kala qayb galay ardayda dugsiga barnaamijkii wacyigalinta Asbuuclaha ahaa.
Maamule Maxamed Caamir Samatar waxaa uu kamid ahaa mirihii uu soo saaray dugsiga Al-Imaamu Al-Nawaawi hadana waxa uu maamule u yahay Dugsiyada Xaaji Cali Biixi Gaalkacayo , oo ka tirsan silsilada dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Puntland oo ah silsilada ugu balaaran ee dugsiyo ka jira Puntland.
———-Dhammaad————-
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Related Posts