……………….
Hay’adda Wadaniga ah ee Tadamun Social Society oo ah hay’adda uu hoostago dugsigu ayaa maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse gudoonsiisay shahaado lagu maamusayey maamulaha dawrkii fiicna ee uu ka qaatay horumarinta dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso, madaama dugsigu horumaro kala duwan ku talaabsaday mudadii uu maamulayey Ustaad Xaaji, sido kalena dugsigu uu kaalmaha u horeeya sannad kasta kaga jiro xaga tayada dugsiyada Puntland.
Maamul, macallimiin iyo ardayba waa na dhiiri galinaysa abaalmarinta sharafta leh iyo hogaaminta hawl karnimadu ku dheehantahay ee maamule C/raxmaan Siciid Muuse.Xafladan oo ay kasoo qayb galeen maamulka gobolka, kan degmada, maamulka iyo shaqaalaha Jamciyada ayaa lagu soo bandhigay shaqooyinkii hirgalay sannadkii tagey ee 2020.
—– Dhammaad —–





Xafiiska Nashaadka iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.