………………
Waxaa saaka xarunta dugsiga sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso lagu qabtay kulan loogu ducaynayey alle haw naxariiste Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa culimada soomaaliyeed oo habeen hore ku geeriyooday magaalada Muqdisho.Kulankan oo ay kasoo qayb galeen :
1- Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse, Maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.
2- Shiikh C/risaaq Xuseen Ciise oo kamid ah culimada soomaaliyeed.
3- Shiikh C/rashiid Axmed Ibraahim oo kamid ah culimada soomaaliyeed iyo
4- Dhammaan maamulka, macallimiinta iyo ardayda dugsiga.
Kulankan oo looga hadlay tariikh nololeedkii Shiikha iyo halgankii dheera ee uu usoo maray dacwada oo uu si qoto dheer uga sheekeyey Shiikh C/risaaq Xuseen Ciise oo shiikh loo wada xiray arimaha dacwada looguna xukumay toogasho lkn ILLAAHAY kuwada bad baadiyey, ayaa ugu danbayntii lagu soo gunaanaday in loo duceeyo Shiikh Nuur Baaruud.Alle haw naxariisto Shiikh Nuur Baruud Gurxan iyo dhammaan culimadii soomaaliyeed ee dadaalkooda kusoo bixiyey sidii dacwada islaamka loo fidin lahaa…Aamiin Aamiin.
———Dhammaad ———-
Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.