Imtixaanka Teeramka 2aad ee Sannad Dugsiyeedka 2021/2022.

…………………..

Waxaa maanta oo Arbaca ah 04/05/2022 ka bilowday dugsiyada Hoose/Dhexe & Sare ee Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso imtixaankii Teeramka 2aad ee sannad dugsiyeedka 2021 / 2022.

Imtixaanka waxaa furay saaka maamulaha guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso Ustaad C/raxmaan Siciid Muuse isago ardayda illaahay uga baryey inay natiijo ay ku farxaan ka keensadaa teeramka 2aad una rajeeyey dhammaantood guul iyo mustaqbal ifaya.Ugu danbayntii maamulka guud ee dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso waxa uu u rajaynayaa dhammaan ardayda inuu illaahay ku guuleeyo himilooyinka ay hiigsanayaan sannad dugsiyeedkana uga dhigo mid ay guul ka gaaraan. Aamiin Aamiin.

——–Dhammaad——–

Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta Dugsiyada Al-Imaamu Al-Nawaawi Boosaaso.

Leave a comment