Dugsigu Waxa Uu Ku Leyahay Magaalada Bosaaso  Afar Farac Oo Kala Ah:

  • Xarunta : Waa Faraca U Wayn Uguna Muhiimsan, Waxa Ku Dhigta Xiliga Subaxii Ardayda Dugsiga Sare Laga Bilaabo Galaaska Kowaad Ee Dugsiga Sare Ilaa Galaaska Afraad Ee Dugsiga Sare, Waxa Sidokale Galabtii Wax Ku Barta Ardayda Dugsiga Hoose Laga Bilaabo Fasalka Kowaad Ilaa Fasalka Afraad Ee Dugsiga Hoose.

Dhismaha Xarunta Wayn Waxa Uu Kaga Duwanyahay Faraxyada Kale Waxa Ku Yaala Xafiisyada Maamulka Guud Ee Dugsiyada Al-Imaam Al-Nawaawi Bosaaso, Waxayna Kala Yihiin Sidan :

  • Xafiiska Maamulaha Guud : Ustaad C/Raxmaan Siciid Muuse.
  • Xafiiska Maamule Kuxigeenka Guud : Ustaad C/Risaaq Maxamed Maxamuud.
  • Xafiiska Xoghaynta Iyo Xisaabiyaha Guud : Ustaad Bashiir Maxamuud Axmed.
  • Xafiiska Khasnajiga Guud : Ustaad Cumar Cali Saleebaan.
  • Xafiiska Nashaadka Iyo Warbaahinta : Ustaad Maxamuud Siciid Faarax.

Sidokale  Waxa Ku Yaala Xarunta Dugsiga Masaajid Lagu Tukado, Maktabad Laga Heli Karo Kutub Kala Duwan , Qolkii Macalimiinta Qaabilsan Arimaha Ardayda Iyo Qolkii Macalimiinta.

  • Faraca Ridwaan : Faracan Waxa Uu Ka Koobanyahay Sadexda Marxaladood Ee Waxbarashada ( Hoose/Dhexe/Sare ), Waxana Galinka Hore Wax Ku Dhigta Ardayda Dugsiga Sare Gaar Ahaan Fasalada Kowaad Iyo Labaad Ee Dugsiga Sare, Iyo Qayb Kamida Fasalada Dugsiga Dhexe, Halka Ay Galabtii Ku Dhigtaan Qayb Kamida Fasalada Dugsiga Dhexe Iyo Fasalada Dugsiga Hoose.

Sido Kale Faracan Wuxu Leyahay Xafiis Lowgu Tala Galay Maamulaha Faraca Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Kala Ah :

Ustaad C/Qaadir Maxamuud C/Laahi, Maamulaha Faraca Iyo

Ustaad C/Qaadir Axmed Cawed, Maamule Kuxigeenka Faraca.

Iyo Sidokale Xafiis Lagu Talagalay Lacag Qabashada Iyo Xafiiskii Macalimiinta Ay Ku Nasan Lahayeen.

  • Faraca Furqaan: Faracan Waxa Wax Ku Dhigta Ardayda Dugsiga Dhexe Oo Kaliya Kuwaaso Kala Ah Fasalka Shanaad Ilaa Fasalka Sideedaad, Waxa Uu Leyahay Faracani Sidokale Xafiis Ay Ku Shaqaystaan Maamulaha Farac Iyo Kuxigeenkiisa Oo Kala Ah :

Ustaad Axmed Siciid Maxamed, Maamulaha Faraca Iyo

Ustaad Mahdi Jaamac Siciid, Maamule Kuxigeenka Faraca.

Waxa Kale Uu Faracani Leyahay Xafiiska Lacag Qabashada Iyo Xafiiska Nasashada Macalimiinta.

  • Faraca Raxma : Faracan Waxa Wax Ku Dhigta Ardayda Dugsiga Dhexe Galinka Hore Iyo Dugsiga Hoose Galinka Danbe, Waxa Kalo Faracan U Leyahay Xafiis U Gaar Ah Maamulaha Iyo Kuxigeenkiisa Oo Kala Ah :

Ustaad C/Xakiim Macalin Ayaanle, Maamulaha Faraca Iyo

Ustaad Siciid Maxamed Maxamuud, Maamule Kuxigeenka Faraca.